Soo Dhawow!
Kani waa saab loo sameeyay haamo-haynta heesaha Soomaaliyeed!
Waxa uu heesku u kala qaybsami karaa laba: Hees-hawleed iyo hees-ciyaareed. Hees-hawleedku waa heeska hawlaha kala gedgeddisan lagu fududaysto, rag iyo dumar ba, ee hawslahaas adag la isku mootiyo. Dhanka kale, hees-ciraareedku waa heeska durbaan iyo jaan ba leh, ee ay dhalintu (kolka barwaaqadu ceegaagto) ku caweyso. (Sheekh Jaamac Cumar Ciise, 1974).
Heesaha saabkan waxa ay u badnaan doonaan kuwa hees-ciyaareedka ah, oo casrigan la joogo yeeshay qalab kala danan badan oo loo tumo. Fadlan ka qayb qaado sidii aad u soo sixi lahayd heesaha qaar amma aad u dhammaystiri lahayd xogta (sida ‘Curiyaha’) hees walba. Waa dhito inaga wada dhaxaysa!
Furaha Sumadaha
NMNS : Nooca Maansada
QMNS : Qaybta Maansada